Madaxeyne Xasan Sheekh oo Israa’iil ku eedeeyey qalqalgalin amni iyo ku laabashada aduunka “xeerka xoogga”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa eedeymo culus u jeediyay Israa’iil, isagoo soo qaatay faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo uu tilmaamay inay yihiin kuwa mid sharci-darro ah, isla markaana halis ku ah madaxbannaanida, xasilloonida Geeska Afrika, iyo mustaqbalka qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Madasha 17-aad ee Al Jazeera uu ku qabtay caasimadda Dooxa ee Qatar, ayaa sheegay in sharciga caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee ku dhisan ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo dhiirrigelinta nabadda ay maanta wajahayaan khatar weyn. Wuxuu caalamka ugu baaqay inuu “tooso”, isaga oo cambaareeyay ku laabashada waxa uu ku tilmaamay “xeerka xoogga” ee siyaasadda caalamka.

Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda Badda Cas, oo uu ku sifeeyey mid laf-dhabar u ah amniga caalamka iyo ganacsiga adduunka, balse uu sheegay in ay halis ku jirto sababo la xiriira xiisadaha gobolka iyo faragelinno uu ku tilmaamay kuwo qalalaase abuuraya. Wuxuu si gaar ah u xusay faragelin uu sheegay in Israa’iil bishii Diseembar ee la soo dhaafay ku sameysay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay fal si cad uga hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda Gaza, isagoo sheegay in waxa halkaas ka socda ay gaareen heer ka baxsan bani’aadantinimada, isla markaana ay tahay in ay noqoto mudnaan caalami ah. Wuxuu mar kale ku celiyay baaqa ku aaddan in la gaaro xal cadaalad ah oo waara, kana saleysan xalka laba-dowladood, si loo soo afjaro khilaafka Falastiin, isagoo ka digay in haddii taas la waayo ay xaaladdu kasii dari doonto, khatarna gelin doonto nabadda iyo amniga dunida.

Ugu dambeyn, Wuxuu sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay dhismaha dowlad shaqeysa, horumarinta dhaqaalaha, iyo siyaasadda ku dhisan ka-qaybgal iyo iskaashi caalami ah. Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliya ay soo mareen dhibaatooyin badan, balse uu rajo ka muujiyay in la gaaray xilli lagu arki karo iftiinka dhammaadka jidka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed