Waxaa maanta gudaha xsrunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dhacay xaalad siyaasadeed iyo amni oo kacsan, kaddib markii fadhigii la qorsheeyay uu ku burburay buuq, muran kulul iyo joogitaan ciidan oo ballaaran. Xiisaddu waxay ka billaabatay aroortii hore xarunta golaha ee Muqdisho, kaddib markii ciidamo booliis ah la geliyay gudaha hoolka, taasoo ka dhalatay khilaaf u dhexeeyay xildhibaanno mucaarad ah iyo kuwa taageersan dowladda oo ku saabsan furitaanka fadhiga.
Xildhibaanno dhowr ah ayaa la sheegay inay ka horyimaadeen in fadhigu furmo, arrintaas oo keentay muran iyo buuq ka dhex dhacay hoolka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in booliisku soo galay xarunta si ay xaaladda u xakameeyaan, taasoo sii kicisay caro ay muujiyeen xildhibaannada mucaaradka.
Waxaa la arkay muran kulul oo dhex maraya xildhibaanno iyo ciidanka amniga, iyadoo ay jireen qaylo iyo hadallo kulul oo ka dhex dhacayay gudaha baarlamaanka. Sidoo kale, xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa taageersan dowladda ayaa si adag isugu dhacay hadal ahaan, taasoo sii fogeysay kala qaybsanaanta.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno mucaarad ah ay xannibeen meelo muhiim ah oo hoolka ka mid ah, iyagoo kuraas dhigey agagaarka miiska khudbadaha iyo qaybta borotokoolka, si ay u hor istaagaan in fadhigu qabsoomo.
Muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinaya jahawareer iyo qalalaase ka dhex socda baarlamaanka. Mid ka mid ah muuqaalladaasi wuxuu muujinayaa xildhibaan mucaarad ah oo si toos ah Facebook uga sii daayay, isagoo sheegay in baahinta tooska ah uu u adeegsanayo “difaac” ka dhan ah booliiska gudaha ku sugan.
Intii uu baahinta ku jiray, xildhibaanka ayaa muran kulul la galay askari booliis ah, wuxuuna ku hanjabay hadal culus. Wuxuu yiri: “Anigu ciidanka ayaan kaa horreeyay. Ilaahay baan ku dhaartaye, marka aan ka baxno hoolka waan ku toogan doonaa. Askari ahaansho kuma badbaadinayso.”
Muuqaalkaasi wuxuu dhaliyay walaac weyn oo ku saabsan badqabka xildhibaannada iyo ciidanka amniga, maadaama xiisaddu weli ka taagan tahay gudaha hoolka. Xildhibaannada mucaaradka ayaa sidoo kale si adag u dhaliilay keenista booliiska gudaha xarunta baarlamaanka. Waxay ku eedeeyeen hoggaanka baarlamaanka inay adeegsanayaan awood iyo cadaadis amni si loo aamusiiyo mucaaradka looguna meel mariyo arrimo muran dhaliyay.
Is-horfadhigan aan dhanna howli u socon ayaa imanaya xilli ay jiraan kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo qoto dheer, gaar ahaan wax-ka-beddelka dastuurka ee hadda horyaalla baarlamaanka. Xiisadda ayaa sii korortay kaddib markii la sheegay in 19 xildhibaan oo mucaarad ah laga hor istaagay inay ka soo qaybgalaan fadhiyada baarlamaanka habeenkii xalay.
HBN ONLINE TV

