Soomaaliya & Masar oo war ka soo saaray kulan looga hadlay ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abdisalam Ali Cali &  Masar Badr Abdelatty oo maanta magaalada Qaahira kulan la-tashiyo ku yeeshay ayaa la sheegay in looga hadlay xaaladaha amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka wadajirka ah ee labada wasiir ayaa la sheegay in hoosta looga xarriiqay qotodheeraanta iyo adkaanta xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo dhinacyadu adkeeyeen taageerada buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,

War-murtiyeedka kooban ee dhinacyadu soo saareen ayaa lagu muujiyay in Masar iyo Soomaaliya ay sii wadi doonaan iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn istaraatiiji ah si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed