Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka hadlay xiisadda iyo dagaalka ka socday maagalada Baydhabo ayaa sheegay in si buuxda loo soo afjaray dagaalkii saacadaha badan ka socday xarunta gobolka.
Bilaal oo Baydhabo xaalado kooban oo amni darro ay ka dhaceen magaalada
“Waxaan markale warkan idinkugu xajiinaynaa in maanta burcadii iyo mooryaantii la soo afjaray oo amnigana si buuxda gacanta ku hayaan laamaha amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Bilaal.
Wuxuu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in ciidamada ay la dagaallameen ay weerareen sida uu hadalka u dhigay goobo kala duwan oo magaalada ah, uuna ku jiro suuqa xoolaha ee Baydhabo. Wasiirka ayaa ku eedeeyey Ciidamada ay dagaalka lagaleen ahaayeen sida uu carrabaabay in kooxo isbaaralay ah.
Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimasho & dhaawac, kaasi oo soo bilowday shalay, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo xoogag la sheegay inay daacad u yihiin Wasiir ka tirsan dawlada Federlaalka.
Xogaha la helayo ayaa muujinaya in isbitaallada Baydhabo la geeyay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah oo dhaawacyo ka soo gaareen dagaalka.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in rasaas wiifto ah ay haleeshay guryo ay degan yihiin dad shacab ah, taas oo waxyeello u geysatay carruur iyo haween, isla markaana keentay cabsi iyo hakad ku yimid isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka guud ahaan magaalada.
Muuqaallo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo rasaasaynaya goobo u dhow guryo rayid ah, iyo dad qaba dhaawacyo culus oo loo qaadayo isbitaalka weyn ee Baydhabo. Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo doorasho maamul oo Koonfur Galbeed ah.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa la sheegay inay taabacsan yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee DFS, Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaan Xasan Eelaay. Wasiirka ayaa ku eedeeyey maamulka Koonfur Galbeed inay weerareen gurigiisa ku yaalla Baydhabo, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay isticmaalayaan hub culus.
HBN ONLINE TV

