Baydhabo: dagaal saacado badan qaatay oo laba maalin ka socda isuna rogay hab siyaasadeed

Dagaal culus ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo ciidan la sheegay inay taabacsan yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha DFS, Xasan Eelaay oo isagu ku eedeeyey in maamulka weeraray gurigiisa ku yaalla magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo dagaalku yahay mid aad u culus lana adeegsanayo hub noocyo kala duwan ah.

Ilo-wareedyo ku sugan Baydhabo ayaa xaqiijiyey in saaka uusan jirin wax dhaqdhaqaaq ah ama isu-socod ka jira magaalada Baydhabo, halka weli laga maqlayo jug culus oo rasaas ah.

Xiisadda oo markii hore ka dhalatay muran dhuleed sida la sheegay ayaa hadda la soo warinayaa inay isu rogtay xiisad siyaasadeed, taas oo lugta la gashay xiriirka u dhexeeya Koonfur-galbeed (KGS) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Dagaalka ayaa saaka ku fiday goobo cusub oo ka mid ah Baydhabo, waxaana xooggiisu ka socdaa agagaarka guriga Wasiir Xasan. Sidoo kale, isgaarsiinta ayaa la soo sheegayaa inay go’an tahay.

 

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed