Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa ku guuleysatay xilka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Aadanaha Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay kula loolantay laba xubnood oo guddiga kala tirsan.
Maryan Qaasim ayaa horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana si weyn loogu yaqaannaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqul aadanaha, iyada oo ka mid ahayd musharraxiinta sida weyn loo saadaalinayay in ay xilka ku guuleysan karto.
Doorashada guddoomiyaha guddigan ayaa ahayd mid ay ku tartamayeen dhowr musharrax oo ay kamid ahaayeen wariye hore Farxaan Jimcaale, Cumar Calasow oo hore ula soo shaqeeyay AMISOM, iyo Dr. Maryan Qaasim oo ugu dambeyn ku guuleysatay codadkii ugu badnaa.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Aadanaha Soomaaliya oo ka kooban 9 xubnood ayaa ah mid markii ugu horreysay dalka laga hirgeliyo, wuxuuna imaanayaa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala soo wareegtay Qaramada Midoobay mas’uuliyadda maamulka iyo kormeerka arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka.
Mas’uuliyiinta dowladda iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah ayaa soo dhaweeyay dhismaha guddigan, iyaga oo tilmaamay in uu muhiim u yahay horumarinta, ilaalinta iyo kor u qaadidda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

