Maxay tahay waxa Somaliland sheegtay inay heshiis kula gali doonto Israa’iil?

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay rajaynayso in dhowaan heshiis ganacsi ay la gaarto Israa’iil, kaddib markii Tel aviv noqotay cidii ugu horreeyay ee aqoonsi ugu yaboohda madax-bannaani. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa Reuters u sheegay in weli uusan jirin heshiis rasmi ah, balse ay socdaan rajada iyo wada-xaajoodyo ku aaddan “heshiis iskaashi”.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in hadda aysan jirin ganacsi ama maalgelin ka imanaysa Israa’iil, balse Somaliland ay rajaynayso maalgelin buuxda iyo iskaashi dhinacyo badan leh. Wuxuu xusay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad dabiici ah sida macdanta, shidaalka, gaaska, kalluunka, beeraha iyo tamarta, kuwaas oo uu sheegay in Israa’iil u baahan karto.

Bedel ahaan, Somaliland waxay doonaysaa inay ka hesho sida uu wareysiga ku sheegay madaxweyne Cirro tiknoolajiyada casri ah ee Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada beeraha, caafimaadka iyo dhaqaalaha. Inkastoo uu sheegay in mustaqbalka la rajaynayo iskaashi milatari, haddana wuxuu caddeeyay in aasaasidda saldhigyo milatari oo Israa’iil leedahay aanay weli ka mid ahayn arrimaha laga wadahadlay.

Wuxuu Cirro ugu mahadceliyay Israa’iil aqoonsiga ay siisay Somaliland, isaga oo sheegay inuu aqbalay casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Netanyahu si uu u booqdo Israa’iil. Sidoo kale wuxuu muujiyay rajo ah in dalal kale oo Qaramada Midoobay ka tirsan, sida Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka, ay mustaqbalka raaci doonaan aqoonsiga Israa’iil, inkastoo uu sheegay in arrintaasi waqti qaadan karto.

Waxaa xusid in saacadihii la soo dhaafay in sarkaal sare oo ah Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo la hadlay BBC-da uu ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin, islamarkaana ay weli ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed