Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa war ka soo saartay dib u dhac ku yimid shir wadatashi ah oo la qorsheeyay inuu dhex maro iyaga iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasi oo lagu waday inuu qabsoomo 1-dii bishan Febraayo Muqdisho.
War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in ujeeddada shirkaasi ay ahayd xoojinta wadahadalka siyaasadeed, ilaalinta midnimada dalka iyo adkeynta wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ku dooday in ay mar walba muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan hirgelinta hannaan ku dhisan wadatashi iyo is-afgarad.
Dowladdu waxay sheegtay in gogosha wadahadallada ay weli fidsan tahay, isla markaana guddiyada farsamada ee labada dhinac ay horey ugu heshiiyeen habraacyadii farsamo ee shirka, kaddib wadatashiyo lala yeeshay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa tilmaantay in dhacdadii dhacday 1-dii bishaan Febraayo oo ku aadanayd tabtidii iyo dib u dhaca ku yimid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka ay sabab u noqdeen in shirkaasi u qabsoomi waayo waqtigii loo qorsheeyay.
“Waxaa nasiib daro ah dhacdadii dhacday 1-dii Febaraayo 2026 iyo dib u dhicii ku yimid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka” ayaa lagu yiri warka DFS.
Warka xukuumadda Soomaaliya ayaa la sii raaciyey “Dowladda Federaalka waxay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay in dhammaan arrimaha jira lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo ixtiraam ku dhisan danta guud, lana tixgalinayo xaaladaha bini’aadannimo iyo la dagaalanka argagixisada ee dalka, waxay si xushmad iyo kalsooni leh ugu baaqaysa dhammaan xubnaha ay khusayso in ay ka wada qayb-qaataan geeddi-socodka wadahadallada, si loo xoojiyo nabadda, wada-jirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.”
Dhanka kale, wali wax war ah kama soo bixin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo arintan looga jawaabayo.
HBN ONLINE TV

