Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u jawaabaya Mucaaradka “Muqdisho ma aha Muqdishadii aad taqaaneen”

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa si adag uga hadlay xaaladda amni ee ka jirta magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ay jiraan isku dayo lagu doonayo in lagu sumcad-dilo caasimadda dalka, balse aan la aqbali doonin arrintaas.

Xamsa ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad uu ka hadlayey horumarka iyo amniga Muqdisho, isaga oo u muuqday mid ka jawaabaya hadallo ka soo yeeray maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la sheegay in wafdiyo ka socday oo la doonayey in Muqdisho soo gaaraan ay ciidamo badan la socdeen, balse dib looga celiyey hawada caasimadda toddobaadkan.

“Muqdisho ma aha Muqdishadii aad taqaaneen, way is beddeshay, waa nabad. Imaada oo kaalaya arka, waxaad maqli jirteen maanta ma jiraan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Muqdisho ay ka mid tahay caasimadaha ugu amniga wanaagsan uguna kobaca badan ee gobolka, isaga oo xusay in magaalada ay haatan ka socdaan mashaariic dib-u-dhis iyo horumarineed oo ballaaran, kuwaa oo si weyn uga qeyb qaatay isbedelka cusub ee ka socda.

Ugu dambayn, Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta, in ay ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarinta caasimadda, maadaama ay fursado badan oo maalgashi ka bannaan yihiin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed