Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in manta la toogtay Hodan Maxamuud Diiriye, oo ku eedeysanayd dilka Saabiriin Seylaan Cabdulle oo dhamaadkii sanadkii hore ay ku dishay magaalada Gaalkayo.
Maxkamadda Gaalkacyo ayaa sanadkii hore dhamaadkiisa dil ku xukuntay haweeneydan, kadib markii ay qiratay fal-dambiyeedka ah inay dishay Saabiriin oo ay gabar yar.
Xukunka maxkamadda ayaa horay loogu yiri “Maxkamaddu markii ay aragtay qiraalka eedeysane Hodan Maxamuud Diiriye oo maxkamadda horteeda ka qiratay jirdilka Saabiriin Seylaan Cabddulle. Maxkamadu markii ay aragtay shareecada Islaamka aayada 178 iyo 179 ee suuratul Al-Baqaraha. Maxakamada darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo waxay ku xukuntay dambiile Hodan Maxamuud Diiriye ina Xaawo Xasan oo 34 jir ah dil toogasho ah oo ah qisaasta Saabiriin Seylaan Cabdulle.”
Sabriin Saylaan Cabdulle ayaa la sheegay in “si xun” loogu dhex dilay guriga qoys ay qaraabo yihiin oo ay la nooleyd. Baaritaan ay sameeyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Gaalkacyo oo meydkeeda la geeyay ayay ku sheegeen inay Sabriin – oo rajo iyo agoonba ahayd – ay ku yaalleen dhaawacyo iyo jirdil qeybo badan oo jirkeeda ah, kuwaasoo isugu jira kuwo hore oo bogsaday iyo kuwo cusub.
Maxkamaddu waxay sidoo kale, xukun ku riday eedeysane Cabdicasiis Nuur Xaashi — ninka Hodan — oo lagu helay ku lug lahaanshaha kiiska in lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo $500 oo ganaax ah.
HBN ONLINE TV

