Dowladda Maraykanka oo ka warrantay sida ay u arko in la aqoonsado Somaliland

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan hadda hayn ‘Arrin cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland’, iyada oo tan iyo markii uu soo baxay warka la xariira ictiraafka si weyn la isu weydiinayay sida ay Washington u aragto arrintan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo la hadlay BBC-da ayaa ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin, islamarkaana ay weli ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, Af-hayeenka Mareykanka u hadlay wuxuu intaasi ku daray in xidhiidh wanaagsan oo shaqo uu kala dhexeeyo ‘Somaliland iyo maamul hoosaadyada kale ee uu kaashado, gaar ahaan kuwa ay ka mideysan yihiin la dagaallanka argagixisada, amniga, iyo danaha dhaqaalaha’.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed