Buuq iyo xiisad ayaa maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii xildhibaanno diidan wax ka beddelka cutubyada cusub ee dastuurka ay goor hore tageen xarunta. Xildhibaannadan ayaa muujinaya walaac la xiriira habka loo wado ajandaha wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad.
Warbaahinta madaxabanaan ayaa maanta iyagana kusoo waramay in laga hor istaagay inay gudaha u galaan hoolka Golaha Shacabka, iyadoo la arkayay ciidamo badan oo Booliis ah oo la geeyay xarunta. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga golleeyahay in lagu xakameeyo xaaladda, maadaama ay jireen cabsi ku saabsan isfaham la’aan iyo is-hor-istaag ku yimaada furitaanka kulanka Baarlamaanka.
Xarunta uu si ku-meel-gaar ah ugu shiro Baarlamaanka ayaa muuqaallada kaga soo glduubay muujinayee ciidamo Booliis ah oo aad u badan, kuna jira gudaha hoolka, isla markaana hareereeyay goobta uu fadhiisto Guddoonka iyo habdhowrka Baarlamaanka. Ujeeddada arrintan ayaa lagu sheegay in la sugo amniga Guddoonka, maadaama ay jireen xildhibaanno si cad uga soo horjeeda hab-maamulka Guddoonka ee ajandaha miiska yaalla.
Dhanka kale, xildhibaanno horey looga ganaaxay kulanka maanta ayaa sheegay inay doonayaan inay tagaan xarunta si ay dooddooda uga dhiibtaan arrimaha dastuurka, inkasta oo aan la ogeyn sida ay ku gaari karaan. Muuqaallada qaar ay duubeen xildhibaanno ayaa muujinaya hadallo la xiriira in la dhaawacay Xildhibaan Cadar Xareed, iyadoo eedda dhaawacaas loo jeediyay Ciidamada Booliiska ee ku sugnaa xarunta, weli kama aanay jawaabin isla Boolisku dhacdadaasi
HBN ONLINE TV

