Mucaaradka oo si kulul uga hadlay go’aankii dib loogu celiyay diyaaradaha Kismaayo iyo Garoowe

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si adag u cambaareeyey waxay ku shegeen “go’aan Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay dib ugu celisay” diyaaradihii ka soo kicitimay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, kuwaas oo siday wufuud lagu sheegay mid hordhac ah oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin, saxaafad iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

GMS ayaa go’aankaasi ku tilmaamay “mas’uuliyad-darro halis gelisay” nolosha wufuudda, isagoo sheegay in uu ka hor imanayo sida hadalka loo dhigay isfaham hore oo lagu gaaray qabsoomidda shirka wadahadallada, kaas oo oggolaanayay ka qeybgalka ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka wuxuu sheegay inuu si niyad-sami ah u aqbalay gogosha wadahadallada ee ay dowladdu fidisay, balse ay xigtay sida ay hadalka u dhigeen

“carqaladeyn cad” oo ay ka mid yihiin hadallo iyo kulamo lid ku ah ujeeddooyinka gogosha, wax-ka-beddelka dastuurka iyo xannibaadda duulimaadyada wufuudda.

Ugu dambeyntii, GMS ayaa inuu u caddaynayo shacabka inuu u diyaar yahay wadahadallo daacad ah, hase yeeshee uu dib u eegis ku samayn doono jihada wadahadallada, si loo hubiyo in ay ku socdaan mas’uuliyad qaran iyo dan guud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed