Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aan wakhtigii loo asteeyay lagu qaban karin Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha deegaanka, kuwaas oo hore loogu qorsheeyay 31-ka May sanadkan 2026.
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu wargeliyay shacabka Somaliland, hay’adaha dawliga ah, axsaabta siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah, iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka, in dib u dhacaasi ka dhashay qiimayn dhammaystiran oo lagu sameeyay sida la tilmaamay xaaladdaha guud ee Somaliland.
Guddigu wuxuu sheegay in daraasad qoto dheer lagu ogaaday caqabadaha waaweyn ee si toos ah u saamaynaya qabsoomidda doorashooyin xor ah, xalaal ah, isla markaana la isku halayn karo, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaro baahsan oo sababay barakac ballaadhan, gaar ahaan deegaanada miyiga, taasoo carqaladaysay diyaar-garowga diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay arrimo nabadgelyo oo ka taagan qaybo ka mid ah Somaliland, iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo ku saabsan nooca iyo habraaca diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, kuwaas oo saameyn ku yeeshay jadwalkii hore loo qorsheeyay.
Iyadoo la tixraacayo Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, Guddigu wuxuu sheegay in go’aamiyay in doorashooyinka aan lagu qaban karin 31 May, islamarkaana farsamo ahaan loo baahan yahay muddo 10 bilood oo dheeraad ah si loo dhammaystiro hawlaha diiwaangelinta, tayaynta xogta, casriyeynta qalabka iyo habraacyada, si loo ilaaliyo hufnaanta doorashooyinka, kalsoonida shacabka, iyo sumcadda Somaliland.
HBN ONLINE TV

