Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin anshaxeed oo laga qaaday xildhibaano ka tirsan Golaha, kadib dhacdo amni oo ka dhacday gudaha xarunta Baarlamaanka todobaadkii hore.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Shacabaka Aaden Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib dib-u-eegis lagu sameeyay dhacdo ka dhacday Golaha Shacabka 28-kii hore ee Janaayo 2026, xilli uu socday fadhi rasmi ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa sheegay in tallaabadan lagu saleeyay Dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka, kuwaas oo u oggolaanaya hoggaanka Golaha inuu qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo nidaamka, kala dambeynta iyo amniga Golaha.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, 18 xildhibaan ayaa si ku-meel-gaar ah looga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo ganaaxooda uu dhaqan gelayo 2-da Febraayo 2026.
“Waxaan go’aamiyay in laga joojiyay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada Wada-jirka ah ee Labada Gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanayso taarikhda 02-02-2026 xubnahaas oo kala ah: Xil. Hassan Abdi Ismail (Hassan Yare), Xil. Ahmed Mohamud Jama (Buux), Xil. Mohamed Abdirahman Ahmed (Xayle), Xil. Abdinur Ali Adam, Xil. Mohamed Bashir Ali (Baxnaan), Xil. Mohamed Barre Mohamud, Xil. Dahir Amin Jesow, Xil. Mowlid Abdi Mohamud, Xil. Sadam Mohamud Abdi, Xil. Mursal Mohamed Khalif, Xil. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir), Xil. Ahmed Adan Ahmed (Ahmed Kenyati), Xil. Mohamed Sheikh Noor Osman (Garaadka), Xil. Sadaq Abdullahi Abdi, Xil. Omar Yusuf Galadiid,Xil. Duniya Osman Yusuf, Xil. Mohamed Adam Dini & Xil. Farah Moalim Abdi Bishaar” ayaa lagu yiri warka guddoomiye Aadan Madoobe.
Sidoo kale, 11 xildhibaan oo kale ayaa la siiyay digniin rasmi ah. “Sidoo kale, waxaa diginin kama dambeys ah loo dirayaa xubnaha hoos ku xusan ee Golaha Shacabka BJFS: Xil. Abdirashid Mohamed Hidig, Xil. Ali Mahdi Mohamed (Qalato), Xil. Daud Abdikarim Sh Omar, Xil. Abdimshid Jire Khalinle, Xil. Adar Hared Jibril, Xil. Faduma Farah Adan (Faduma Nine), Xil. Abdikadir Hussein Abdi (Uurdoox), Xil. Said Ali Muse, Xil. Yusuf Mohamed Ismail (Barakaale), Xil. Ahmed Osman Ibrahim (Daqare) & Xil. Yusuf Hussein Ahmed (Gama’diid)” ayaa la sii raaciyey warka guddoomiyaha golaha shacabka.
Dhanka kale, warqad middaan la mid ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa lagu sheegay in laga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole tiro 12 kulan ah Senatarrada kala ah Leyla Nuur Maax iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kaddib markii la tilmaamay in “qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay ku kaceen labada Sanatar” intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen 28-kii Janaayo, 2026
Xafiiska Guddoomiyaha ayaa sheegay in tallaabooyinkan loo qaaday si loo ilaaliyo nidaamka Golaha, edebta xildhibaanada, iyo badqabka xubnaha Baarlamaanka iyo shaqaalaha, kadib markii hay’adaha ammaanka Baarlamaanka ay soo gudbiyeen warbixin muujinaysa baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah la qaado.
War-saxaafadeedku wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aankani uusan ka qaadayn xildhibaanada xasaanaddooda ama xubinimadooda Baarlamaanka, balse uu xaddidayo ka qeybgalka fadhiyada, iyadoo loo marayo xeerarka jira.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuu leeyahay awood sharciyeed oo uu ku qaadi karo tallaabooyin noocan ah si loo hubiyo sii socoshada shaqada Baarlamaanka iyo xasiloonida hay’adda sharci-dejinta.
Guddiga Ammaanka Baarlamaanka ayaa lagu amray inuu si buuxda u dhaqan geliyo go’aanka, halka dhammaan xildhibaanada loogu baaqay inay ixtiraamaan xeerarka Golaha kana shaqeeyaan xasilloonida iyo wada shaqeynta Baarlamaanka.
HBN ONLINE TV

