Maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay ciidamo iyo ilaalo ay sheegeen in laga soo celiyay hawada Muqdisho. Jubaland ayaa sheegtay inay ka xun tahay wafdi ay u dirtay Muqdisho oo ka qeybgeli lahaa qabsoomidda Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho.
“Jubaland waxay si adag uga xuntahay go’aanka xilkasnimo-darada ah ee maanta halis toos ah lagu geliyay wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland, kadib markii Dowladda Federaalka ah ay ka celisay Diyaaradii waday hawada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Jubaland ayaa sheegtay in diyaaradda sidday wafdigeeda “lala socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka ah. Hase yeeshee, markii diyaaraddu ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa si lama filaan ah loo soo saaray go’aan cusub oo ah inay dib ugu laabato Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan oo ay dib ugu laaban karto magaalada Kismaayo. Arrintan waxay ka tarjumaysaa masuuliyad-darro weyn iyo go’aan cadownimo ah oo halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah.” Ayuu intaa raaciyay warka kasoo baxay Jubaland.
Dhanka kale, Puntland ayaa si la mid ah Jubaland sheegtay in ciidan ka tirsan ilaalada madaxweynaha Puntland laga soo celiyay Muqdisho.
“Illaa wakhtigii ay Puntland iyo guud ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay aqbaleen ka qaybgalka gogosha ay dhigtay DFS, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah wuxuu qaaday tillaabooyin uu dhammaantood uga gol lahaa in uu fashiliyo Gogosha lagu ballamay, asaga oo sida muuqata aan fileyn in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay aqbali doonaan gogosha.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan.
HBN ONLINE TV

