Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta oo uu jiray Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan sare la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, kaasi oo dhacay magaalada New Delhi, loogana hadlay xaaladaha xiriir ee ka dhaxeeya iyo amniga.
Kulanka ayaa la sheegay inuu astaan u ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta, iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqeyn dhinacyo badan leh, xoojinta wadahadal wax ku ool ah, iyo dhisidda iskaashi dhab ah oo gacan ka geysanaya xasilloonida iyo barwaaqada wadajirka ah.
Wasiir Cabdisalaam ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya hirgelinta diblomaasiyad dhismeed oo heer gobol iyo mid caalami ah, iyo dhisidda iskaashiyo miro-dhal ah oo wax ku ool u ah danaha qaranka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

