Ma dhabbaa in Masar joojisay Baasaboorka Soomaaliga?

Shirkadda duulimaadyada Air Egypt oo masar leedahay ayaa si cad u beenisay warar si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah oo sheegayay in la joojiyay ama la hakiyay isticmaalka baasaboorka Soomaaliga ee lagu tago dalka Masar.

Bayaan rasmi ah oo ay shirkadda ku daabacday boggeeda Facebook, islamarkaana ay la wadaagtay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu sameeyay siyaasadda socdaalka ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Masar. Air Egypt waxay caddeysay in dhammaan rakaabka sita baasaboorka Soomaaliga ah, isla markaana haysta dukumentiyada safar ee saxda ah, si caadi ah loogu oggol yahay inay u safraan magaalada Qaahira & dalkooda oo dhan.

Sidoo kale, Air Egypt waxay xustay in duulimaadyada tooska ah ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho ay weli si joogto ah u socdaan, kuwaas oo si rasmi ah u bilaabmay bishii July 2024, si loo xoojiyo xiriirka socdaal, ganacsi iyo iskaashi ee labada dal.

Shirkaddu waxay ugu baaqday bulshada Soomaaliya inay ka feejignaadaan wararka aan la hubin ee ku faafaya baraha bulshada, iyadoo sheegtay in wixii isbeddel ama macluumaad cusub ah lagu soo gudbin doono oo keliya kanaalladeeda warbaahineed ee rasmiga ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed