Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Jabuuti, isaga oo ku eedeeyay inay si cad uga soo horjeeddo sida uu hadalka u dhigay helitaanka aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland raadinayso. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Jabuuti ay u aragto danahaheeda istaraatiijiyadeed in Somaliland aanay helin aqoonsi, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa mowqif cad oo ay dalkaasi ka qaadatay arrinta Somaliland.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Wasiir Cabdiraxmaan Daahir ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in burburkii dalka uu ka dhashay dano gaar ah iyo cuqdado siyaasadeed. Waxa uu sheegay in Somaliland ay dib uga laabatay midnimadii, kaddib markii ay la kulantay sida uu hadalka u dhigay cadaalad-darro iyo xuquuq la’aan, taas oo uu ku tilmaamay sababta ugu weyn ee ay Somaliland u dooratay inay la soo noqoto madaxbannaanideeda.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay doorka Turkiga, isaga oo sheegay in Turkigu heshiisyo kala duwan la galay waa sida hadalka uu u yiriye dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, kuwaas oo salka ku haya dano dhaqaale, ayna tahay sababta ugu weyn ee uu diiday aqoonsiga Somaliland. Waxa uu xusay in Turkigu mararka qaarkood danaynayo kheyraadka ku jira dalka, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla dhulka Somaliland.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Jabuuti ay si cad u aragto in danteedu ku jirto in aan Somaliland la aqoonsan, isagoo tilmaamay in dadaallada aqoonsi-doonka Somaliland ay banaanka keeneen cidda ay u arkaan inay ka soo horjeeddo himiladooda siyaasadeed.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha la xiriira dadaallada
Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, iyo doorka ay dalalka deriska ahi ka ciyaarayaan arrintaas, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika ay weli tahay mid xasaasi ah.
HBN ONLINE TV

