Maxaa lagu sheegay sababta loo buriyey amarkii Waaran qabasho ee lagu raadinayey Madaxweyne Axmed Madoobe?

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay go’aan meesha looga saaray laguna baabi’iyay waarankii soo qabashada ee horay loogu jaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Go’aankan ayaa sidoo kale lagu buriyay dacwaddii ciqaabeed ee Maxkamaddu u haysay Madaxweynaha Jubbaland, taas oo la soo saaray 27/11/2024. Sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Maxkamadda, tallaabadan ayaa timid kaddib codsi gal-xirid ah oo uu soo gudbiyay sida ay sheegtay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Qoraalka Maxkamadda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba xiray galka dacwaddii loo heystay Axmed Madoobe oo awal aheyd khiyaano qaran, ku xadgudbidda midnimada dalka iyo la wadaagidda xogta qaranka dalal shisheeye. Go’aankan oo taariikhdiisu tahay 29/01/2026, waxaa ku saxiixan Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Shuceyb Macallin Aadan.

Arrintan ayaa imaneysa laba maalmood kaddib markii Axmed Madoobe mar kale loogu dhawaaqay madaxweynaha Jubbaland, doorasho ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid baalmarsan sharciga, isla markaana aysan aqoonsan.

Sidoo kale, go’aanka Maxkamadda ayaa ku soo aadaya xilli Axmed Madoobe, oo ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho, si uu uga qeybgalo kulan uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuna taariikhaysan 1-da bisha Febraayo oo ah Axadda todobaadka dambe.

Go’aankan Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho xaaladda siyaasadeed iyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, xilli dalka uu wajahayo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed