Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimo Soomaaliya la xiriira

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Christopher Landau, iyo Madaxweynaha Kenya, William Samoei Ruto oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada Nairobi, ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray arrimo la xiriira amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo si gaar ah loo soo hadal qaaday xaaladda amni ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Kenya ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dadaallada lagu la dagaallamayo kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka howlgala Soomaaliya, iyo caqabadaha weli hortaagan xasilloonida dalka.

“Waxaan ka wadahadalnay dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Ruto.

Dhankiisa Christopher Landau ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dib-u-eegis lagu sameeyo istiraatiijiyadaha la adeegsaday Soomaaliya muddo ka badan 20 sano iyo in la helo qaab wax ku ool ah oo lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan nabadda iyo xasilloonida.

Kenya, oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa door wax ku ool ah ka qaadata howlaha amni ee ay ciidamadeedu ka wadaan dalka, iyadoo sidoo kale ay saameyn ku yeesheen weerarada hubeysan ee Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed