Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa shaqada ka cayriyay taliyaha Milatariga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan dawladda, iyada oo bedelkeeda la magaacaby hoggaan cusub.
Sarkaal lagu magacaabo Ibraahim Maxamed oo darajadiisu tahay Gaanshaanle Sare ayaa loo magacaabay xilka taliyaha milatariga, wuxuuna horay u hayey taliska taakulada isla ciidamada xoogga dalka.
Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka taliyaha Milatariga loo magacaabay labo jeer oo hore oo kala ahayd 2019 iyo 10 November 2024.
Shaqa ka cayrintiisa waxay ku soo aadaysaa iyada oo Dowladda Soomaaliya ku jirto hadda marxalad aad u xasaasi ah oo dagaallo dhowr jiho kula jirto kooxda Alshabaab.
Isha ku haay HBN Online TV

