Trump oo si jees-jees ah uga falceliyay weerarkii lagu qaaday Ilhaan Cumar & Xildhibaannada labada aqalna si adag u cambaareeyay falkaasi

Xildhibaanno ka kala tirsan labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerar lagu qaaday xildhibaanadda Minnesota, Ilhaan Cumar, kaddib markii lagu buufiyay dareere aan la garanayn xilli ay kulan dadweyne ku qabanaysay magaalada Minneapolis habeenkii Talaadada.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerarka uga falceliyay si jees-jees ah. Wareysi uu siiyay ABC, markii la weydiiyay inuu arkay muuqaalka weerarka, Trump wuxuu yiri: “Maya, anigu kama fekero iyada.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku daray: “Waxaan u arkaa inay tahay qof khiyaano badan. Runtii kama fekero. Waxay u badan tahay inay iyadu isku sayrisay, anigoo garanaya iyada.” Mar kale oo la weydiiyay inuu arkay muuqaalka, Trump wuxuu ku jawaabay: “Ma arkin. Maya, maya. Waxaan rajeynayaa inaanan ku mashquulin.”

Dhanka kale, booliiska Minneapolis ayaa sheegay in nin lagu magacaabo Anthony Kazmierczak, oo 55 jir ah, la xiray laguna soo xiray xabsiga Hennepin County Jail, isagoo lagu eedeeyay weerar darajada saddexaad ah. Booliisku waxay sheegeen in saraakiil joogtay goobta ay arkeen ninka oo isticmaalaya cirbad (syringe) si uu ugu buufiyo xildhibaanadda dareere aan weli la aqoonsan.

Xildhibaanno ka kala socda labada aqal ee Kongareeska ayaa si adag u cambaareeyay falkaasi, iyagoo ku tilmaamay weerar aan la aqbali karin oo ka dhan ah amniga mas’uuliyiinta la doortay, isla markaana muujinaya baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka kulamada dadweynaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed