Dowladda Soomaaliya ka hadashay eedeymo culus oo ku aadan habka ay waddo dib u eegista Dastuurka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo loo jeediyey oo kaga yimid xubno ka mid ah Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhaliilay hanaanka la-tashiga dadweynaha ee wax-ka-beddelka Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa lagu caddeeyey in dib-u-eegista dastuurka ay u socotay si waafaqsan shuruucda iyo mabaadi’da dastuuriga ah, isla markaana ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), iyo Guddiga La-socodka Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in la-tashiyo dadweyne oo baahsan laga sameeyey inta badan dowlad-goboleedyada dalka, si loo xaqiijiyo ka-qeybgal ballaaran iyo daah-furnaan, iyadoo xustay in Puntland si rasmi ah uga baaqatay ka-qeybgalka sababo siyaasadeed awgood, inkasta oo si isdaba joog ah loogu diray casuumaado rasmi ah.

Sidoo kale, Xukuumaddu waxay tilmaantay in si loo hubiyo ka-qeybgal guud, la sameeyey madallo dhijitaal ah oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool dhammaan gobollada dalka ku soo gudbin karaan aragtidooda, isla markaana wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland ay ka qeybgaleen kulamada la-tashiga.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Soomaaliya ayaa adkaysay in ay ka go’an tahay hannaanka dib-u-eegista dastuurka oo noqda mid loo dhan yahay, hufan, isla markaana ku dhisan wada-tashi qaran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed