Wakiillada Maamul-goboleedyada oo ka walaac weyn ka muujiyey  qodobo qaar ku jira cutubyada laga bedelayo dastuurka KMG ah oo iyaga lid ku ah

Xubnaha wakiillada Maamul-goboleedyada ee La-socodka dib u eegista Dastuurka ayaa muujiyey walaac weyn oo ku saabsan qodobo lid ku ah sida ay sheegeen maamullada, kuwaas oo lagu daray cutubyada laga doodayo ee 5-aad ilaa 9-aad dastuurka ku meelgaarka ah (KMG) ee dalka.

Xubnaha guddigan, oo sheegay inay kala ka kala socdeen  Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Somaliland, ayaa ku dooday in habka loo gudbiyey cutubyada Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka aysan ka qayb qaadan, isla markaana aysan wax xog ah ka haynin waqtiga iyo habka loo diyaariyey dukumentiyada. Waxay carrabaabeen in goobta la isugu tagayo ku lahayn wax awood afkaar ah oo lagu sixi karo meelaha ay tabashooyinka ka yihiin.

Guddiga Wakiillada Dastuurka ayaa ugu baaqay hay’adaha Federaalka in dib loo eego habka wax-ka-beddelka dastuurka, si uu u noqdo mid hufan, loo dhan yahay, isla markaana dhammaan maamul-goboleedyada dalka si buuxda uga qeyb qaataan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed