Iyadoo ay taagan tahay xiisad aad u adag oo saameyn xooggan ku yeelatay dadyowga kala duwan ee Soomaalida iyo guud ahaan kuwa kale ee soo-galootiga ah ee ku nool Mareykanka, ayaa maxkamad halkasi ku taaala amar ku bixisay in ku-simaha Agaasimaha Hay’adda Socdaalka ee ICE maxkamadda la soo taago.
Garsoore Degmo oo lagu magacaabo Patrick sheeltis Schlitz ayaa amar ku bixiyay in ku-simaha Agaasimaha ICE, Todd Lyons, uu ka soo hormuuqdo maxkamadda seddex maalin kadib oo ku aadan Jimcaha soo socda.
Garsooraha ayaa sheegay in Lyons ay waajib ku tahay inuu sharaxo sababta ay hay’addiisu ugu guul-darreysatay inay qabato dhageysi ku saabsan qof muhaajir ah oo xiran, muddadii ay maxkamaddu horay u amartay.
Schlitz ayaa sheegay in dulqaadkii maxkamaddu uu dhammaaday, isaga oo arrintan ku tilmaamay tallaabo aan caadi ahayn, taas oo ah in si toos ah maxkamadda loogu yeero ku-simaha madaxa hay’adda ICE.
Garsooraha ayaa sidoo kale dalbaday in Todd Lyons uu si shaqsi ah uga soo hormuuqdo maxkamadda kadib markii, sida ku cad qoraal maxkamadeed oo Isniintii la gudbiyay, tallaabooyin kale oo ka fudud arrintan horey loo tijaabiyay balse ay dhammaantood fashilmeen.
“Dulqaadkii Maxkamaddu wuu dhammaaday. Sidaas darteed, Maxkamaddu waxay amar ku bixin doontaa in Todd Lyons, Ku-simaha Agaasimaha ICE, uu si shaqsi ah uga soo hormuuqdo Maxkamadda,” ayuu yiri Garsoore Patrick Schlitz.
U yeeristiisa Todd waxaay ku soo aadaysaa iyada Ciidamada “kadeedka” ka waday gobolka Soomaalidu ku badan tahay ee dalka Mareykanka ay wadaan beegsiyo aad looga qayliyey — halka kuwo qaar sababeen dhimashada dad cadaan ah oo si bareer ciidamadu u tooganayaan, waxaana masuuliyiinta gobolku dalbadeen in Ciidamada ICE laga saaro gobolka Minnesota.
HBN ONLINE TV

