Ciidanka Ilaalada Cashuuraha Raas-Casayr ee Puntland ayaa maanta soo bandhigay xubno ajaaniib ah Kalluumaysato ah, kadib howlgal badeed oo qorshaysan oo ka dhacay degmo xeebeedka Caluulla ee gobolka Bari ee Soomaaliya.
Howlgalka ka dhacay xeebaha Caluula iyo deegaanno ku dhow ayaa la tilmaamay in lagu qabtay doon nooca “Xaawi” ah oo ay saarnaayeen 25 qof oo ku hawlanaa sida hadalka loo dhigay kalluumaysi aan waafaqsanayn shuruucda iyo xeerarka u degsan maamulka Puntland.
Maamulka ayaa sheegay in Howlgalkan lagu soo qabtay doonida uu si toos ah u hoggaaminayay Taliyaha Laanta Ilaalinta Cashuuraha Gobolka Raas-Casayr iyo ku-xigeenkiisa, iyagoo muujiyay feejignaan ku aaddan ilaalinta kheyraadka badda ee deegaanada Bari ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in masuuliyiinta ciidamada ku wareejin doonaan hay’adaha caddaaladda si sharciga loo waafajiyo, iyada oo la bogaadiyay ciidamada ka qeyb qaatay dadaalkooda joogtada ah ee lagu ilaalinayo kheyraadka badda Puntland.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah sida la sheegay dadaallada joogtada ah ee Puntland ay ku doonayso sugidda sharciga, ilaalinta kheyraadka badda, iyo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka dhaca xeebaha maamulka ee gobolka Bari.
HBN ONLINE TV

