Maxaa kasoo baxay kulan dhexmaray madaxweyne Deni & Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Wadamada Maraykanka iyo Ingiriis-ka ee Bariga Africa, Korneyl Ryan flaherty iyo Korneyl Rich Grover oo ay weheliyaan Saraakiil sarsare.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, waxaa kale oo si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray Howlgallada gebagebada maraya ee Daacish looga sifaynayo Calmiskaad iyo xoojinta Iskaashiga guud ee la dagaalanka Argagixisada.

Deni ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay, sida ay Dowladda iyo Shacabka Puntland uga taageereen in Howlgalka Calmiskaad Guuleysto.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed