DFS oo ku eedeysay Somaliland inay xasuuq ka waddo gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa eedeymo culus u jeedisay xukuumadda Somaliland, iyadoo ku tilmaantay inay xasuuq ka waddo sida ay hadalka u dhigtay deegaannadeeda, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan xiisaddo amni.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Somaliland wado go’aanno lagu dilayo dad ku nool deegaannadooda, isla markaana ay muujinayaan tallaabooyin ay ugu wareejinayaan gobollada ay joogaan waxa uu ugu yeeray “Shisheeye” oo uu ula jeedo Isra’iil, taasina halis ku tahay jiritaanka bulshadaas.

“Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed waxay go’aansadeen in ay dadkoodana xasuuqaan, gobollada ay joogaan¬na shisheeye ku wareejiyaan. Waxay gaareen xaalad naf-hallignimo ah oo muujinaysa geba-gebadooda,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in falal xasuuq ah ay ka dhaceen deegaanno kala duwan, isagoo xusay in horay xasuuq kaga geysteen sida uu hadalka udhigay gobolka Sool, halka maantana, sida uu sheegay, ay falal la mid ah ka dhaceen gobolka Awdal.

Eedeymahan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan hadallada is khilaafsan ee u dhexeeya DFS iyo Somaliland, kuwaas oo la xiriira xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobollada waqooyi ee dalka.

Horay Somaliland ayaa u sheegtay in si aad ah walaac ay kaga muujinayso hadallo adag oo ay ku eedeysay inuu u adeegsaday wasiirka gashaandhigga Soomaaliya Fiqi Macalin Fiqi, kuwaas oo ay carrrabaabtay inay saameyn amni ku leeyihiin xaaladaha amni ee gobolka geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed