Maamulka Puntland ayaa shaaciyay tirada ciidamada ka mushahar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee ku sugan deegaannadooda, iyadoo ku eedeysay xukuumadda dhexe in ay carqalad ku tahay sida ay hadalka u dhigtay nidaamka dowladnimo ee Puntland.
La-taliyaha arrimaha amniga ee Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in 1,376 askari oo ka tirsan ciidamo ay mushaharkooda bixiso DFS ay ku sugan yihiin magaalooyinka Puntland – isaga oo xusay in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay ka shaqeeyaan sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada, halka kuwo kalena uu ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin Puntland.
Sida uu sheegay Qarjab, magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Xaafuun iyo Gaalkacyo waxaa saldhigyo ku leh ciidamo hore uga tirsanaan jiray Puntland balse hadda ku biiray DFS. Ciidamadaas waxaa ka mid ah PSF oo uu hoggaamiyaan Jeneraal Maxamuud iyo Jeneraal Jimcaale Jaamaac Takar oo isagu ka hagaya Ciidamada Danab.
Labadaani Ciidan iyo Puntland ayaa horay waxaa u dhexmaray dagaallo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac, kuwaas oo ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso – halka dagaalladasi ay salka ku hayeen khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeyay dhinacyada.
Dhanka kale, saraakiisha hoggaamisa ciidamada PSF iyo Danab ayaa dhawaan magaalada Laascaanood kula kulmay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.
Puntland ayaa mar kale ku celisay eedeynta ah in Dowladda Federaalka ay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha, taas oo ay sheegtay in ay wiiqeyso sida ay ku dooday xasilloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Puntland.
HBN ONLINE TV

