Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kulan uu maanta qaab fogaan-arag ah kula yeeshay Golaha Wadatashiga Qaran Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda qaar kamid ah maamullada dalka, uuna ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, & ku xigeenkiisa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan sida la sheegay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ee adkeynta midnimada qaranka, wax ka qabashada xaaladda abaaraha, la dagaallanka argagixisada iyo dardargelinta doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha deegaannada iyo dowlad-goboleedyada.
Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran waxaa kasoo muuqday Madaxda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Waqooyi Bari Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Gabagabada kulanka, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray lix qodob oo ay ka mid yihiin: in Goluhu si buuxda u garab istaagayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta iyo dhowrista gobannimada iyo midnimada bulsho ee dalka.
Sidoo kale, Qodobbada dhexe ee warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in Goluhu soo dhaweynayo ayidaadda Golaha Mustaqbalka ee casuumadda gogosha Wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da bisha soo socota ee Febraayo 2026, isla markaana uu bogaadinayo guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee lala galay Alshabaab.
Labada qodob ee ugu dambeeyay, Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka, halka uu uga mahadceliyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagga xaqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

