Iyadoo taageero ka helaysa saaxiibbada caalamiga ah ee dhinaca amniga, Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa fulisay howlgal lagu sheegay mid qorsheysnaa oo lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Kunyo-Barow oo qiyaastii 250km koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho ayaa NISA sheegtay in lagu dilay hoggaamiyayaal sare, balse hay’addu ma aanay bixin wax faahfaahin kale ah oo ku aadan magacyada iyo xilalka ay hayeen.
Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday xubnahaan muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan, kuwaas oo ku sugnaa aaggaas. NISA ayaa xaqiijisay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo khatarta argagixisada laguna xaqiijinayo amniga guud ee dalka.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada howlgalka ayaa la filayaa in la shaaciyo saacadaha socda.
HBN ONLINE TV

