Masuuliyiin kasocda XFS iyo Taliska CXD oo Qatar kaga qayb galay qalin-jabinta saraakiil Soomaaliyeed

Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa isaga iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ka qeyb galay xafladda qalin-jabinta dufcad saraakiil ah oo waxbarashadooda ku dhammaystay akadeemiyadaha milatariga ee Qatar, kuwaas oo ay ku jireen saraakiil Soomaaliyeed.

Xafladda oo ka dhacday Kuliyadda Milatariga ee Axmed bin Maxamed ayaa waxaa guddoomiyay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, kaas oo billado guddoonsiiyay saraakiishii ku guuleysatay darajooyinka ugu sarreeya ee waxqabadka iyo hufnaanta tababarka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Qatar ay ka qaadaneyso horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in aqoonta iyo xirfadaha ay heleen saraakiisha qalin-jabisay ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan xoojinta amniga, isla markaana uu uga mahadceliyay Qatar iskaashiga joogtada ah ee dhinacyada tababarrada milatariga iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed