Soomaaliya oo wacad ku martay inay baabi’in doonto heshiisyada dal kasta oo aan la ogayn 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin heshiis ama joogitaan ciidan oo shisheeye oo ku xadgudba madaxbannaanida dalka, isagoo caddeeyay in go’aanka lagu joojiyay heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta uu ka dhashay ku xadgudubyo lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu adkeeyay in saldhig kasta oo ciidan oo dalka ku yaalla uu waajib ku yahay inuu ku hoos jiro kormeer buuxa oo dowladda Federaalka ah isla markaana lagu dhiso ixtiraam buuxa oo madax-bannaani.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Al Jazeera intii uu socday shirka ka dhacay Doha, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Imaaraadku hore u taageeri jiray ciidamada Soomaaliya, balse taageeradaasi ay istaagtay ku dhowaad laba sano ka hor, isagoo xusay in taageerooyin qaar aysan marin waddooyinka rasmiga ah ee dowladda, isla markaana loo fidiyay kooxo hubeysan oo maxalli ah, taasoo uu ku tilmaamay isku day lagu wiiqayo awoodda dowladda dhexe laguna dhaawacayo madax-bannaanida dalka.

Fiqi ayaa tilmaamay in danaha dalalka ku riixaya joogitaanka militari ee Soomaaliya ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda, muhiimadda istaraatiijiga ah ee dalka ee ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab, iyo damacyo la xiriira kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka, macdanta dhifka ah iyo kalluumeysiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan arrimahaasi ay u baahan yihiin heshiisyo sharciyad leh oo waafaqsan danaha qaranka.

Isagoo ka hadlay arrinta Somaliland, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana heshiis kasta oo ay si keligeed ah u gasho uu yahay mid ka hor imanaya Dastuurka Soomaaliya iyo sharciga caalamiga ah. Wuxuu ka digay in aqoonsi loo fidiyo Somaliland ay halis gelin karto midnimada dalka, xasilloonida gudaha iyo tan gobolka, isagoo sidoo kale ku eedeeyay dhinacyo shisheeye inay ka faa’iidaysanayaan xaaladda gobolkaas dano siyaasadeed iyo istaraatiiji ah.

Dhanka amniga gudaha, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar amni oo la taaban karo, isla markaana Muqdisho ay ku sugan tahay xaaladdii ugu wanaagsanayd 35-kii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu xusay istaraatiijiyad saddex-geesood ah oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish, kuna saleysan awood militari, wacyigelin fikir iyo dhaqan, iyo xakameyn maaliyadeed, isagoo sidoo kale shaaciyay in Soomaaliya iyo Qatar ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashi militari intii uu socday bandhigga DIMDEX 2026.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed