Dowladda Soomaaliya oo dib ula wareegtay saldhiggii Kudhaa & dhimashada Alshabaab oo kor u dhaaftay 120

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib gacanta loogu dhigay saldhiggii iyo magaalada Kudhaa ee degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib dagaal culus oo ay halkaasi ku qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo deegaanka la wareegay 24 saac ka hor. Dib-u-qabsashada Kudhaa ayaa timid kaddib abaabul ciidan iyo howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab, oo garab ka helayay Ciidamada Jubbaland, isla markaana kaashanayey saaxiibada caalamka. Howlgalka oo socday in ka badan 24 saacadood ayaa lagu sheegay in lagu fashiliyay weerarkii maleeshiyaadka Alshabaab ku soo qaadeen Kudhaa, iyadoo la gaarsiiyay sida hadalka loo dhigay jab culus.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay in ka badan 130 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, halka tiro kale oo intaas ka badan lagu dhaawacay. Waxay intaasi ku dartay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo hub ay ka carareen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, iyada oo la tilmaamay in la dilay horjoogayaal ka tirsanaa Alshabaab.

Deegaanka Kudhaa oo muddo ka badan 10 sano ah gacanta ugu jiray Jubbaland ayaa ah deegaan xeebeed hodan ku ah kalluumaysiga, waxaana Wasaaradda Gaashaandhigga ay adkaysay in howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni iyo xasillooni waarta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed