Maxay ka wadahadleen hoggaamiyaasha Israa’iil iyo Somaliland?

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa magaalada Davos kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isagoo sheegay inay ka wada hadleen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac. Dhanka kale, xukuumadda Somaliland ayaa bixisay xog kale oo la xiriirta kulankaasi iyo sidoo kale la kulanka xubno madaxweyne Trump u dhow.

Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay kulamo uu Madaxweyne Cirro xalay ku yeeshay magaalada Davos ee dalka Switzerland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo Eric Trump oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka. Kulamadaasi ayay xukuumaddu ku tilmaantay kuwo “bog cusub oo taariikhi ah u furay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u bilaabmay Somaliland iyo Israa’iil”.

Sidoo kale, madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro uu “Israa’iil u caddeeyey in Somaliland ay tahay saaxiib dhab ah oo la isku hallayn karo, dadkiisuna aanay weligood illaawin cid kasta oo abaal u gasha.” Kulanka is-aragga ah waxa labada dhinac ku wehelinayey Eric Trump, wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka.

Bayaanka Somaliland ayaa lagu yiri “Kulankan taariikhiga ah ee dhex maray labada Madaxweyne ee Israa’iil iyo Somaliland iyo Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanku waxa uu si cad u muujinayaa in Somaliland ay gashay marxalad cusub oo aqoonsi, kalsooni iyo saaxiibtinimo caalami ah, isla markaana ay sii xoojinayso doorkeeda dal mas’uul ah oo wax ku soo biirin kara nabadda iyo amniga caalamka.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed