Jubbaland oo war ka soo saaray dagaal culus oo ka dhacay Kudhaa

Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, Gobolka Jubbada Hoose, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada maamulka.

War kooban oo xaaladan looga hadlay, laguna daabacay warbaahinta Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay si buuxda uga hortageen weerarkaasi, isla markaana ay fashiliyeen ujeedkii kooxda, iyada oo sheegay in dagaalka oo ahaa mida uu sababay khasaare culus oo soo gaaray Al-Shabaab.

Maamulka ayaa xaqiijiyay in intii uu socday dagaalka la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen Al-Shabaab, sidoo kalena ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo kooxda ka soo gaaray iska horimaadka.

Ugu dambeyn, Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in xaaladda guud ee deegaanka Kudhaa ay tahay mid degan, isla markaana ciidamada ay weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo ballan qaaday in faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono khasaaraha rasmiga ah marka la helo xog dhammeystiran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed