Waxaa maanta la shaaciyey isbahaysi cusub oo loogu magac daray “Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed ee Is-Go’aaminta SPAS”, kaasi oo looga dhawaaqay dowlad-deegaanka Soomaalida ee Ogaadeenya, isla markaana ka kooban saddex urur oo ay ku jirto Ururka Xoreynta Qaranka Ogaadeenya (ONLF).
Seddexdan Ururka ee kala ah ONLF, Golaha Qadiyadda Soomaaliyeed (CSC), iyo Isbahaysiga Dimuqraadiga ee Gobolka Soomaalida (SRDA) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay aasaaska isbahaysi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed ee Is-Go’aaminta SPAS.
War murtiyeedka ay soo saareen xubnahaan oo soo baxay maanta, balse ku taariikhaysan 18-ka bishaan ayaa la sheegay in si wadajir ah loola wadaagayo warbaahinta iyo beesha caalamka, in ururradani SPAS ay yihiin madal mideysan oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo bulsho, taas oo ujeeddadeedu tahay xoojinta awoodda siyaasadeed ee Soomaalida, difaaca xuquuqdooda, iyo xaqiijinta mustaqbal ku dhisan karaamo, matalaad iyo is-go’aamin. Ciwaanka sare ayay si kooban ugu qoreen warmurtiyeedkooda oo ka koobnaa laba bog “Dhammaadka Samirka”.
Hoggaamiyeyaasha isbahaysiga ayaa ku dooday in ku biirinta dhulalka Soomaalida ee Itoobiya ay ku timid duruufo taariikhi ah oo aan ku salaysnayn rabitaanka shacabka, iyagoo ku eedeeyay dowladihii kala dambeeyay ee Itoobiya inay ku dhaqmeen siyaasad takoor, ka-reebid siyaasadeed iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha.
Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu xusay go’aankii ay ururradani qaateen sanadkii 2018-kii, kaddib markii uu xilka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ay doorteen xiligaasi waddo nabadeed ayna hubka dhigeen, balse waxay ku doodeen in rajadii wada-hadal iyo is-faham ee xilligaas jirtay ay hadda burburtay.
“Samirkeennii si khiyaano leh ayaa loo adeegsaday. Halkii wada-hadal laga heli lahaa, nidaamku wuxuu kordhiyay cabburin, wuxuu sharciyeeyay ku-takri-fal, wuxuuna hirgeliyay siyaasad halis gelinaysa jiritaanka dadkeenna. Waxa maanta na hor yaalla ma aha maamul-xumo keliya, balse waa olole qorsheysan oo lagu tirtirayo jiritaanka — mid aanan mar dambe ku aamusnaan doonin”.ayaa lagu yiri bayaanka.
Xubnahaan ayaa sheegay in Nidaamka Itoobiya uu ku kacay go’aamo kali uu ku yahay, uuna soo xirtay albaabbadii nabadda, isagoo muujiyay sida hadalka ay u dhigeen xumaan, quursi, iyo diidmo joogto ah. “waqtigii wada-xaajoodka aan miro dhalin waa dhammaaday” ayaa lagu markale bayaankooda.
Ugu dambeyn, Isbahaysiga SPAS wuxuu ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay muujiyaan midnimo, feejignaan siyaasadeed iyo wadajir, iyagoo muujiyay inay diyaar u yihiin la shaqeynta cid kasta oo ka soo horjeedda waxa ay ku tilmaameen “xukun dulmi ku dhisan”.
Ilaa iyo hadda, ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Itoobiya oo ku aaddan ku dhawaaqista isbahaysigan cusub, iyada oo ONLF oo ah ururka ugu tunka weyn ee u dhaqdhaqaaqa qaliyadda gobolka Soomaalida uu horay dhowr jeer ugu eedeyey Addis Ababa ka faa’iideysi qayraadka dadkooda iyo ku xad-gudub ka baxsan sharci aadanaha inay qaaday.
HBN ONLINE TV

