Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo ka tirsan maamulka Puntland , ayaa sheegaya in tiro shaqaale ah oo ka hawlgalayay xarun uu maamulo Imaaraadka Carabta ay ka dhoofeen magaalada kana baxeen dalka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.
Ilo-wareedyada, oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in inta badan dadka baxay ay ahaayeen ajaaniib, gaar ahaan kuwo ka soo jeeda Kolombiya, kuwaas oo u shaqaynayay ama la shaqaynayay hawlgallada Imaaraadka ee xaruntaas. Waxay intaa ku dareen in qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ay sidoo kale ka mid ahaayeen dadka baxay, inkastoo aan la bixin faahfaahin ku saabsan tiradooda ama xilalka ay hayeen.
Sidoo kale, Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dadka baxay lagu qaaday diyaarad Itoobiya leedahay, ka dib markii la sheegay in diyaaradaha diiwaangashan ee Imaaraadka loo diiday oggolaansho ay ku soo galaan Soomaaliya. Ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo laga helay meesha ugu dambeysa ee ay ku wajahneyd diyaaradda, ka dib markii radarka laga waayay diyaaradda Itoobiya ee qaaday dadka.
Weli ma cadda in tallaabadan ay ka dhigan tahay guuris buuxda, oo la mid ah tii hore ee Imaaraadku uga baxay Muqdisho.
Maamulka Puntland weli kama bixin wax war ah ama xog rasmi ah oo ku saabsan dhoofitaanka. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa ka dib go’aan ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku burisay heshiisyo hore oo ay la gashay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray amniga, difaaca iyo iskaashiga horumarinta.
HBN ONLINE TV

