Isimada dhaqanka ee Maamulada Puntland iyo Waqooyi Bari o o ku shiray magaalada Laascaanood ayaa soo saaray bayaan ay ku taageerayaan go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan Imaaraadka Carabta, iyagoo si cadna uga soo horjeestay tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland. Baaqan ayaa yimid kaddib ka-qaybgalka munaasabadda caleema-saarka Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo ku xigeenkiisa oo ka dhacay xarunta maamulka ee Laasacaanood.
Isimada ayaa war saxaafadeedkooda ku bogaadiyay sida loo qabtay munaasabadda caleema-saarka, iyagoo amaanay horumarka dhanka dowlad-dhiska iyo amniga ee ay muddada kooban ku tallaabsadeen maamulka iyo shacabka Waqooyi Bari, inkasta oo ay jireen caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.
War murtiyeedka Isimada dhaqanka oo lagu boogaadiyey madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kaalintii ay ku lahaayeen garab istaagga dhismaha maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kalek waxaa loogu baaqay dad shacabka ah in la xoojiyo taageerada DFS si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Sidoo kale, Isimada dhaqanka Maamulada Puntland iyo Waqooyi ayaa si adag u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen “aqoonsi-beeneed” loo fidinayo Somaliland, iyagoo sheegay in arrintaasi ay ka hor imanayso dastuurka, axdiyada caalamiga ah, isla markaana uu halis ku yahay amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo wadajirka dalka, iyo sidoo kale ammaanka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed.
Ugu dambeyn, Isimada ayaa si buuxda u taageeray go’aanka DFS ee burinta heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta, waxayna shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed ugu baaqeen midnimo, feejignaan iyo in la diido faragelin kasta oo shisheeye, iyagoo mar kale ku adkeeyay in Soomaaliya tahay dal mideysan oo madax-bannaan. Waxaa xusid mudan in war murtiyeedka soo baxay ay ku qornaayeen 25 Ugaas, Boqor, Suldaan iyo Garaad oo si weyn looga yaqaan gobollada labada maamul degaan.
HBN ONLINE TV

