Dawlada Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Hindiya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aaddan xoojinta xiriirkooda amniga, kaddib markii labada dal ay kala saxiixdeen warqad niyad-sami ah oo ku saabsan iskaashi istaraatiiji ah oo dhinaca difaaca ah. Heshiiskan ayaa lagu saxiixay booqasho rasmi ah oo Madaxweynaha Imaaraadka, Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu ku tagay caasimadda Hindiya ee New Delhi.
Madaxweynaha Imaaraadka iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa goobjoog ka ahaa is-weydaarsiga heshiisyo iyo is-afgaradyo kala duwan oo ujeedkoodu yahay ballaarinta iskaashiga labada dal. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WAM ee Imaaraadka laga leeyahay, heshiiska difaaca waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Abdullah bin Zayed Al Nahyan iyo dhiggiisa Hindiya Subramaniam Jaishankar
Wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa caddeeyay in heshiiskani uusan micnaheedu ahayn in Hindiya ay ku lug yeelanayso khilaafaadka gobolka, balse uu yahay iskaashi farsamo iyo istaraatiiji ah. Khabiirka dhanka siyaasadda Imaaraadka, Cabdulkhaliq Cabdullah, ayaa heshiiskan ku tilmaamay guul taariikhi ah, isagoo xusay in labada dal ay ka wada shaqeyn doonaan mashaariic horumarsan oo ay ku jiraan kuwa nukliyeerka.
Heshiiskan difaac wuxuu imaanayaa xilli Pakistan ay shaacisay qorshe heshiis difaac oo saddex geesood ah oo ay la yeelaneyso Sacuudiga iyo Turkiga. Marka laga soo tago difaaca, Abu Dhabi iyo New Delhi waxay kala saxiixdeen heshiis $3 bilyan ah oo Gaaska Dabiiciga ah muddo 10 sano ah, waxayna ku heshiiyeen in ganacsigooda la gaarsiiyo $200 bilyan sanadka 2032. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay goobjoog ka ahaayeen heshiis la xiriira iskaashi hawada sare ah oo u dhexeeya hay’adaha hawada ee labada dal.
HBN Online TV

