Dowladda Soomaaliya ayaa martiqaad rasmi ah u dirtay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo u fidisay casuumad ay ku sheegtay inay xoojinayso midnimada iyo wadajirka ummadda, waxayna aqbashay soo-jeedintii siyaasiyiinta mucaaradka ee ku shiray magaalada Kismaayo, kadib warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo loo diray xubnaha mucaaradka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in gogoshan wadatashiga qaran ay furmi doonto 1-da bisha inagu soo aadan ee Febraayo 2026, uuna ka dhici doona magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sidoo kale ka dalbatay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay soo magacaabaan xubnaha dhankooda ee ma talaya qabanqaabada shirka.
Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sheegtay in Xukuumaddu xooga saareyso midnimada ummadda, wadajirka dalka, iyo hirgelinta dimoqraadiyad ku dhisan wadatashi iyo isu-tanaasul.
“Xukuumaddu iyadoo tixgelineysa dadaallada lagu xoojinayo midnimada ummadda iyo wadajirka dalka, taabba-gelinta dimoqraadiyad ku dhisan wadatashi iyo isu-tanaasul, isla markaana tixraaceysa qodobka 6-aad ee baaqii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxay ku dhawaaqaysaa gogol wadatashi qaran oo furmi doonta 1-da Febraayo 2026, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho.,” ayaa lagu yiri warka Xukuumadda Soomaaliya ka soo baxay.
Qabanqaabada shirka waxaa u xil saartay guddi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud Sheekh Cali, waxaana Xukuumaddu ugu baaqday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay soo magacaabaan cidda dhinacooda ugu xil saaran qabanqaabada shirka si la isula sii qorsheeyo ajandayaasha, ayna shirku noqdo mid miro dhal ah.
HBN ONLINE TV

