Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa maanta si rasmi ah u kala diray garsoorayaashii Maxkamadaha Darajada Koowaad iyo Labaad ee Gobolka Bay, kaddib eedeymo la xiriira habacsanaan iyo shaqo-gab ku yimid adeegga garsoorka ee gobolka.
Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Koonfur Galbeed, kuna saxiixnaa Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka dhashay wadatashi iyo qiimeyn lagu sameeyay xaaladda garsoorka, taas oo lala yeeshay Wasaaradda Cadaaladda ee maamulka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada KGS ayaa lagu caddeeyay in la kala diray dhammaan garsoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad ee Gobolka Bay, waxaana go’aankaasi uu sidoo kale saameeyay xeer-ilaaliyayaashii ka howlgali jiray maxkamadahaas.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu hagaajinayo hannaanka caddaaladda, korna loogu qaadayo hufnaanta iyo kalsoonida adeegga garsoorka.
HBN ONLINE TV

