FAAHFAAHIN: Dagaal qaraxyo culus ku bilowday oo ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe

Dagaal culus oo ku bilowday qaraxyo ayaa saakay ka dhacay xero ciidan oo ku taalla duleedka degmo xeebeedka Warshiikh ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen xeradaas. Qaraxyada kaddib waxaa halkaas ka dhacay dagaal toos ah, iyadoo kooxdu isku dayday inay gudaha u gasho xerada.

Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ayaa ka hortagay weerarka, waxaana la soo werinayaa in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday dib loo riixay ka dib dagaal culus oo qaatay in ka badan saddex saacadood. Rasaasta ayaa weli laga maqlayaa deegaanno ka durugsan goobtii hore ee dagaalku ka billowday.

Dagaalka ayaa markii dambe u wareegay inta u dhaxaysa Warshiikh iyo deegaanka Jabad Godane, halkaas oo mar kale uu ka qarxay dagaal hor leh. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu jiro, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah. Ciidamo gurmad ahaa oo ka baxay Warshiikh ayaa lala beegsaday qarax xooggan, kaas oo la rumeysan yahay inuu geystay khasaare hantiyeed, balse aan la soo werin wax khasaare nafeed ah. Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama aysan hadlin dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, xog kale isla aaggaas laga helayo ayaa sheegaysa in Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Jabad Godane oo maalmihii lasoo dhaafay duqaymo culus lagu beegsaday xubno katirsan Alshabaab oo halkaas joogay sida ay sheegeen saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa in Ciidamada Federaalka oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee Macawiisleyda ay beegsadeen deegaannada u dhow Masaajid Cali Gaduud oo muhiim u ah isu socodka Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug & Gobolka Banaadir.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed