Somaliland oo sheegtay in boqollaa askari inay tababar ugu soo xirtay Sool, iyada oo joojitaanka DFS ee gobolka ku sifeysay xasarad

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay ciidamo aad u badan ay maanta tababar ugu soo xirtay xarun tababar ciidan oo taala gobalka Sool. Ciidamadan ayaa gaaraya in ka badan 6 kun, waxaana carbiskoodu socda muddo 9 bil ah, inkastoo aan la sheegin halka ay ka tahay gobolka Sool.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Maxamed Yuusuf oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay askar ayaa ka hadlay joogitaanka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood, Wuxuu sheegay in waa sida hadalka uu u dhigaye madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa “xasarad wadaan” wuxuuna baaq u diray shacabka Laascaanood, isagoo yiri: “Waxaan leeyahay diyaarad bey ku yimaadeen shalay galab, galabtana diyaarad bey ku tagayaan. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa nimaan kuu fureynin yaanu kuu rarin, waxaan leeyayay reer Laascaanood, Xasan wuu tagayaa laakiinse hareeraha waxaa idinka xiga Somaliland iyo Puntland oo la idiin kala tagayo”.

“Waxay halkan u yimaadeen kala qeybin iyo inay bulshada ku abuureen dhibaato iyo colaad.” Ayuu intaa ku daray.

Waxa ay ku soo beegmaysaa xilli magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu ku sugan yahay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galaya caleema-saarka madaxweynaa Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxa ay imaanaysaa iyada oo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uu sheegay “in tagitaanka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood ay tahay “daan-daansi iyo faragelin qaawan oo aan geed loogu soo gamban,”. Madaxweynaha Somaliland ayaa beesha caalamka ku wargeliyay in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Soomaaliya ay yihiin “kuwa saameyn ku yeelan doona nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed