Xamsa oo sheegay in dalku uu jiro marxalad aad u xasaasiga ah, isaga oo si gaar ah ula hadlay Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad xasaasi ah oo uu ka jeediyey xafladda caleemasaarka Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari wuxuu kaga hadlay isbeddellada xooggan ee ka socda dunida iyo baahida loo qabo in Soomaalidu si wadajir ah uga hortagaan caqabadaha jira.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dalku ku jiro marxalad xasaasi ah, isla markaana aanay maanta ahayn waqti la kala qaybsamo, balse loo baahan yahay wada hadal dhab ah iyo midnimo qaran.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in inkastoo ay weli jiraan dad ka shaqeeya kala-gaynta iyo wiiqidda midnimada Soomaaliya, haddana laga gudbay aragtidii ku dhisnayd reer-reerka. Xamsa Cabdi ayaa xusay in Waqooyi Bari ay leedahay mudnaan gaar ah, isaga oo isimada dhaqanka ku boorriyey ee gobolka & kuwa oo deegaanada kale inay qaataan masuuliyad dheeraad ah, gaar ahaan meelaha ay midnnimadu ka nugushahay, si looga hortago ceeb iyo kala-qaybsanaan.

Sidoo kale, Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka hadda muuqda uu yahay mid aad u qaraar, isaga oo tusaale u soo qaatay ka-qaybgalka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo maqnaanshaha Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, laakiin wuxuu sheegay in Madaxweyen Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo uu si cad u sheegay in uusan aqoonsanayn.

Wuxuu sheegay in xaaladdaasi ay muujinayso ka gudbidda xisaabtii qabiilka, loona gudbay qarannimo, isaga oo hoosta ka xariiqay in Waqooyi Bari ay dowladda federaalka laha baahan tahay in midnimada ay ka shaqeyso si looga baxo aragtida kala go’a.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo ku dhisan qaranimo iyo ka gudbidda kala-qaybsanaanta ku saleysan qoys iyo qabiil. Hadalkiisa ayaa dhaliyey hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan xiriirka dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed