Magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda maamaulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, ayaa maanta martigelisay wufuud isugu jirta masuuliyiin gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo u yimid ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dowlad-goboleedkaas, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).
Munaasabadda caleema-saarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, xubno badan oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, iyo masuuliyiin sare oo ka socda dowlad-goboleedyada dalka.
Sidoo kale, magaalada ayaa gaaray diblomaasiyiin iyo marti caalami ah, Safiirro iyo wakiillo ka socda Turkiga, Sacuudiga, iyo Suudaan, iyagoo ku biiray wufuud ka kala timid dalalka Geeska Afrika sida Kenya, Itoobiya, iyo Jabuuti. Dhanka hoggaanka dhaqanka, waxaa magaalada gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo cuqaal kale oo si weyn looga tixgeliyo bulshada.
Masuuliyiinta amniga ee deegaanka ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka guud ahaan magaalada, si loo xaqiijiyo nabadgelyada munaasabadda, halka goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka waaweynna lagu sameeyay qurxin iyo diyaargarow.
Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in ka soo qeybgalka ballaaran ee wufuudda gudaha, gobolka, iyo caalamkaba uu muujinayo muhiimadda siyaasadeed ee caleema-saarka iyo doorka sii kordhaya ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee masraxa siyaasadda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

