NISA oo Shabeellaha Hoose ku dishay xubin dhanka qaraxyada u qaabilsanaa Alshabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kaasi oo si weyn loo baadi goobayey muddooyinkii ugu dambeeyey.

Howlgalka oo la tilmaamay inuu u dhacay si taxaddar leh ayaa lagu bartilmaameedsaday xubinta la dilay, kaas oo ka mid ahaa shaqsiyaadka u qaabilsanaa kooxda qaraxyada iyo miinooyinka dhulka lagu aaso, isla markaana muddo dheer ay hay’adaha amniga ku raad-joogeen.

Saraakiisha amniga ee NISA ayaa sheegay in ninka la dilay uu door muhiim ah ku lahaa falal amni-darro oo ka dhici jiray gobolka, islamarkaana howlgalka uu si guul leh u dhacay iyada oo aan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada fuliyay.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegay in inta uu socday howlgalku ay ciidamada NISA gacanta ku dhigeen qori nooca AK-47 ah oo uu watay xubintaani la dilay. Hay’addu ma aanay sheegin wax faahfaahin ah oo kale oo ku aadan xogtan iyo weliba magaca saxda ee ruuxa la dilay iyo qaraxyada dhibka gaystay ee uu ka qeyb qaatay.

Howlgalladan ayey sheegtay NISA inay qeyb ka yihiin dadaalada joogtada ah ee ay hay’adaha amniga ku xoojinayaan sugidda ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka howlgala gobollada dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed