Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo ku saabsan amniga, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen saraakiil amni oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.
Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, iyo sidoo kale xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo sugo nabadgelyada.
Sidoo kale, shirka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay diyaargarowga amni ee munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay sida la sheegay qorshayaal cad-cad oo lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta shirka ka qeyb galay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay feejignaan joogto ah iyo iskaashi buuxa oo u dhexeeya ciidamada amniga, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo badbaadada shacabka.
HBN ONLINE TV

