Maxay ka tiri Shirka DP World oo maamusha dekedda Berbera saamaynta go’aankii ay Soomaaliya heshiisyadii uga baxday Iimaaraadka

Shirkadda Dubai laga leeyahay ee DP World ee dalka Imaaraadka oo maamusha Dekedda magaalada Berbera ayaa sheegtay in aysan quseynin go’aannadi kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee ka dhashay khilaafka u dhaxeeya imaaraatka Carabta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS.

Qoraal ka soo baxay shirkadda DP World oo ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in go’aankii ka soo baxay DFS aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shaqadii ka socotay dekadda Berbera, inkasta oo uu heshiiskeeda ku yimid hab wadar ogol ah oo u dhexeeyey Muqdisho iyo Abu Dubai.

Hadalkan ka soo baxay shirkadda DP World ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay go’aanno lagu burriyay dhamaan heshiisyadii Imaaraadka ay horay ula gashay DFS kuwaasi oo ay kujiraan ogalaanshaha Imaaraatka ay kaga howlgalayeen magaalooyinka Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Soomaaliland ayaa ka soo horjeestay go’aankii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu burriyay heshiisyadii Imaaraadka ay horay ula gashay DFS.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed